Iyadoo ay sii kordhayaan musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa musharaxnimadiisa shaaciyey Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Shariif Sheekhuna Maye.
Musharax Shariif Sheekhunaa Maye ayaa ku so biiray musharixiinta faraha badan ee u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
Xildhibaan Shariif Sheekhuna Maye ayaa ku sheegay War-saxaafadeed uu soo saarayinuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isla markaana khibrad iyo waayo aragnimo u leeyahay hoggaaminta golaha shacabka.