Taliyihii hore ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa beeniyay in ciidamada dowladda ay mushaar la’aan yihiin muddo bilo ah, wuxuuna cadeeyay in ciidamada milateriga ay diyaar u yihiin inay dalkooda ka difaacaan caddowga iyagoo baahi kasta qaba.
Taliyihii hore ee ciidamada ayaa sheegay in ciidanku raashin helo oo aanay marna ka kala go’in, warbixinta Guddiga Q/Midoobay aysan run ahayn oo waxba kama jiraan yihiin “Mushaar la siiyo ciidanka waxaa ugu horeysay July 2014 iyagoo aan mushaar qaadan ayay intaas ka hore dalka la xoreynayeen Alshbaab, lana dagaalmayeen” ayuu yiri taliyihii hore.
Jen. Indha-qarshe oo VOA-da u waramay wuxuu ku dooday in warbixinta Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Cunaqabateynta oo sheegtay inayan ciidamada Mushaar qaadan ciidamada ay la qabaan shaqaalaha kale ee dowladda.
DHAGEYSO CODKA INDHA-QARSHE:
Goobjooge.com