Friday, June 27, 2025

Taliyihii hore ee ciidamada Milateriga Soomaaliya oo xil cusub loo magacaabayo

Taliyihii hore ee ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) oo dhowaan xilka laga qaaday ayaa la sheegay in xil cusub loo magacaabi doona oo aan xiriir la lahayd xirfadiisa Milaterinimo balse ah mid diblomaasiyadeed.

Indha-qarshe

Xilka Indha-qarshe loo magacaabayo ayaa la sheegay inuu yahay  safiir isagoo markii horena lagu qanciyay intii aanu xilku banneyn in xilkaasi la siinayo.

Golaha wasiirada ayaa ansixiyay xil ka qaadista taliyaha ciidamada Milateriga iyo abaanduulaha, waxaana horeba ka heshiiyay arrintan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo si hoose uga wadahadlay.

Lama oga ilaa hadda dalka loo magacaabi doono safiir Indha-qarshe laakiin waxay safiirnimadu qaadataa waqti dheer oo ku dhow 6 bilood marka la eego safiiradii ugu danbeeyay ee dowladda Soomaaliya magacwday.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON