Waxaa magaalada Muqdisho ka socda furitaanka xarumo la dayactiray oo dib loo furayo, iyadoo furitaankeeda uu ka qeyb galayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xafladdii furitaanka Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa mar kale xariga ka jaray Madaxweyne Farmaajo, isagoo halkaasi khudbad ka jeediyay, lana hor keenay kooxda maamuleysay MASHRUUCA IS-XILQAAN ee dib loogu dayactiray xarumaha dowladda qaarkood.
Hees ka mida kuwii ay hobollada u qaadeen Madaxweyne Farmaajo ayaa cinwaankeedu ahaa: ‘TALIYO HA TEGININA TALIYA..” taasoo ka mid ahayd suugaan halkaasi laga mariyey oo si weyn loogu talogalay ololaha madaxweynaha ee dib u doorashadiisa.
Ereyada heesta waxa ka mid ahaa:
Tiyaartarkeenii Qarankee
Tixahiyo ciyaaraha
Muddo laga dhex tumi jiray
Madaxdii ku tacabtee
Isxilqaan ku taagtee
Tabtiisii ku celiyee
Rabi baanu tuugnee
Jeer Qaranku taagsado
Taliyoo ha teginina taliyaa
Waxay heestan dad badan soo xusuusisay heesihii lagu amaani jiray dowladiiKacaanka.
