Taliyaha guud ee ciidamada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaciyay qasaarihii ugu badnaa in ciidamada Puntland uu kasoo gaaray aagga Garacad oo ay dagaal culus muddo saddex maalmood ah kula galeen maleeshiyadii ugu horeysay ee dagaanada Puntland ka gashay dhinaca Xeebta oo ka tisaneyd Alshabaab.
General Saciid Dheere ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in howlgalkii Garacad ay Ciidamada Puntland uga dhinteen 20 askari ayna kaga dhawacmeen 60 kale. Dagaalkaas ayaa ahaa mid aad u baaxad weyn oo ciidmadii Puntland ay qasaare laxaad leh kala kulmeen marka loo eego dagaalkii kale ee aagga Suuj oo ilaa iyo hadda la shaaciyay inay ciidamada Puntland uga geeriyoodeen 3 askari, loogana dhaawacay 10 kale.
Aagga Garacad ayaa la sheegay inay ka dagaalameen maleeshiyo Alshabaab ah oo ka awood badan kuwii degay goobaha kale ayna ku jiraan saraakiil sare, waxayna markii danbe u gudbeen dhinaca maamulka Galmudug oo maantana dagaal kale uu ku qabsaday.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca kale, iyadoo ay Alshabaab weli ka hadlin ciidamada tirada badan ee ay ku daabushay xeebaha Nugaal iyo Mudug iyo qasaaraha laxaadka leh ee kasoo gaaray.
Goobjooge.com