Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ee dalka Talyaaniga Baulo Jantelaun ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu sare u qaadi doono heerka taageerada dhinaca hormarinta ee Soomaaliya iyo lacag dheeraad ah oo la siinayo Soomaaliya.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya socdaal ku marayo dalka Talyaaniga waxaa kulan ay goobjoog ka ahaayeen wasiiradii wasiirka arimaha dibadda iyo maalgashiga mudane C/salaan Hadliye Cumar, wasiirka tamarta iyo biyaha mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya looga dhawaaqay taageerada dhaqaale oo ah horumarin.
Ra’iisal wasaaraha dalka Talyaaniga Matteo Renzi, oo shirka gabagebadiisa ka hadlay ayaa balan qaaday in xukuumadiisu ay Soomaaliya ku bixin doonto lacag dhan 286 oo Euro oo lagu maalgelin doono dhinaca horumarinta dalka Soomaaliya.
Mr Renzi, ayaa sheegay in lacagtaas lagu maalgelin doono dhismaha wadooyinka, horumarinta beeraha, ganacsiga iyo guud ahaan dib u soo celinta kaabiyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali, ayaa dhankiisa dowladda Talyaaniga ugu mahadceliyay taageerada ay siiso dalka Soomaaliya.
Goobjooge.com