Dalka Tanzaniya ayaa lagu dhawaaqay in laga helay shidaal nooc muhiim ah oo adduunka oo dhan gabaabsi ku ah. Saynisyahanno ka socda Ingiriiska iyo Norway ayaa sheegay inay Tanzania ka heleen shidaalka loo yaqaan Helium.
Nooca shidaalka Helium ayaa ah mid aad muhiim ugu ah baaritaanada caafimaadka ee loo yaqaan MRI, Quwadda korontada ee Nukliyeerka laga dhaliyo iyo qeybo kale oo aad muhiim u ah.
Dunida oo dhan ayaa cabsi laga qabay in shidaalkaasi uu ka dhammaado dunida, iyadoo uu ahaa gabaabsi sii yaraanaya. Shidaalkan ayaa loo adeegsadaa baaritaanada caafimaadka iyo Sayniska, waxayna tani ka dhigan tahay in laga baxay cabsidii laga qabay in shidaalkaasi la waayo.
Kooxda Saynisyahannada ah ee ka tirsan Jaamacahada Oxford ee dalka Ingiriiska iyo shirkadda Durham ee dalka Norway ayaa shaaciyay inay heleen keyd balaaran oo shidaalka Helium ah, waxaana qiyaastu tahay in hal goob oo qura y ku jirto 54 Bilyan oo cubic feet.
Shidaalkan ayaa la sheegay inuu ku filnaan karo in kabadan 1.2 milyan oo mishiinka MRI, kaasoo qabta baaritaanada jirka oo ah raajo casri ah oo dunida ku cusub.
Goobjooge.com