Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ahna mid ka mida guddoomiyeyaasha xisbiyada dalka ka jira Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa farriin kulul u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) kadib socdaalkiisii muranka badan dhaliyay ee magaalada Dhuusmareeb. Wuxuuna ku booriyay inuu qaado tallaabo si aan Baarlamaanka hadda jira loo kala dirin marka waqtigiisu dhammaado.
Farriinta Tarsan oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxay u qorneyd sidatan:
FARIIN KU SOCOTA GUDOOMIYE JAWAARI
Gudoomiye waxaad la socotaa xaaladda uu dalku ku suganyahay iyo habka ay siyaasadu ku socoto. Waxaa kaa saaran mas’uuliyad weyn in aad wax ka qabato, hadaadan wax ka qabankarina uu mowqifkaaga caddaado.
Waxaad la socotaa sida ay ku dhismeen dowlad goboleedyadu, waxaadna ogtahay in hadana ay bilaabatey in jufo kasta ay sameysato dowlad goboleedyo ka hoos baxahaya kuwii hore. Taas waxay astaan u tahay burburka uu ku socdo qaranka Somaaliyeed.
Astaan qaran waxaa maanta u taagan Barlamaanka Federalka Somaaliyeed eed adigu madaxda ka tahay inkasta oo ceebaal badan ay jiraan oo kalsoonida uu shacabku ku qabo ay yar tahay hadana waa meesha keliya ee qabiil kasta iyo gobol kasta ee Somaaliyeed uu metelaad ku leeyahay. Sidaas darteed waa lagama maarmaan in ayna sinaba ku dhicin in Barlamaankaan la kala diro ayada oon la helin wax ummadu isku raacsan tahay.
Saadaasha Hiigsiga 2016 iyo habka loo maamulahayo waxey muujineysaa rajo xumo, waxaadna u maleysaa in Soomaaliya ay maalin kasta ku sii dhowaaneyso shirqoolkii loo dhigey tan iyo intii ay qaranimadii gacantooda ku burburiyeen.
Gudoomiye maalinta la gaaro 2016 ayada oon ayeyna jirin wax heshiis lagu yahay, ama wax gacan ku rimis ah oo ayna ummadda Somaaliyeed ayna ku qanacsaneyn oo u adeegahaya dano gaar ah oo ay horseed ka yihiin dadka hogaanka dalka haya waxaad ogaataa in ay tahay burburkii qaranimada Soomaaliyeed iyo jiritaanka kiyaan Soomaaliyeed.
Gudoomiye waxaan kugula talinayaa inaad si taxadir leh uga fekerto meesha aan ku furi doono talada dalka adiga oo la tashanahaya gudoonka Barlamaanka iyo xildhibaanada ay ku jirto qiirada wadani. Gudoomiye maalinta la kala diro Barlamaanka hadda jira iyada oo ayna jirin wax badiil ah oo la isku raacsan yahay, waxaad ogaataa in la kala direy ummadda Somaaliyeed waxa keliya ee ka dhexeeya markaasna taariikhdu idin ma cafin doonto adiga iyo raga kale ee wadanka madaxda ka ah.
Gudoomiye waa in aad qaadaa tilaabo geesinima ah oo aad ku badbaadin karto dalka iyo dadkaba. Waa in aadan marnaba ogolaanin in dalku meel maran ay ku dhacdo awoodiisu.
W/Q: Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)