Monday, August 4, 2025

Tarsan oo raaligelin ka bixiyay hadal kasoo yeeray oo ku saabsan Ardayda Jaamacadda SIMAD

Musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa cudurdaar ka bixiyay war ka soo yeeray oo ku saabsan ardayda Jaamacada SIMAD ee magaalada Muqdisho.

War uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Mudane Tarsan ayuu ku sheegay inuu raaligelin ka bixinayo hadal uu si khaldan u yiri oo ku saabsan ardayda wax ka baratay Jaamacadda SIMAD, isagoo sheegay inuu ka xun yahay arrintaas.

Inkastoo Mudane Tarsan lagu tilmaamo nin hadal qayaxan oo aan la gaban mowqifkiisa, haddana waa markii ugu horeysay ee la arko siyaasi Soomaali ah oo qiranaya khalad uu galo isla markaana bixinaya raaligelin, waxayna ka mid tahay biseyl u soo kordhay siyaasiyiinta.

Hadalka musharax Tarsan ee ku saabsan  ardayda jaamacadda SIMAD ayaa kiciyay gadood ay baraha bulshada ku muujiyeen ardayga ka baxday jaamacadaasi iyo kuwa iminka dhigta oo qaarkood ay Tarsan ku sheegeen inuu la mid yahay musharaxa xisbiga Jamhuuriya Mareykanka ee Donald Trump.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON