Thursday, June 26, 2025

Tarsan oo su’aalo la yaab leh ka keenay sii-deyntii Cawil Daahir Salaad & C/llaahi Kulmiye (Akhri)

Duqii hore ee magaalada Muqdisho iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir Axmed Maxamud Nuur Tarsan ayaa si kulul uga hadlay xaaladda cadaaladda iyo sharcigii dalka uu marayo kadib sii deyntii Agaasime C/llaahi Kulmiye iyo weriye Cawil Daahir Salaad oo muddo 6 maalmood ah u xirnaa Hay’adda Nabadsugidda Qaranka.

tarsan

Qoraal uu Tarsan soo dhigay Boggiisa Facebook hoos ka akhri

War wadanku sharci ma leeyahay mase shircigiisu waa xeer jajab?. Waa maxay Afhayeenka Barlamaanka ayaa xeer ilaaliyaha ka codsadey in la sii daayo Cawil Daahir iyo Abdullahi Xersi…?

Markii hore maxaa lagu xirey?

Yaase Amrey in la xiro?

Ma xeer ilaaliyaha ayaa amrey in la xiro mase maxkamad ayaa amartey in la xiro?

Sida sharcigu qabo xeer ilaaliyahu wuxuu soo ogaa fal dembiyeed dhacay markaas ayuu la tegaa maxkamad oo amarta in la xiro qofkaas marka ay maxkamadu u cadaato inay jirto in fal dembiyeed uu dhacey. Dadka Somaaliyeed ma Ari baa oo qofkii ay qof awood leh isku dhacaan wuxuu u isticmaali awoodiisa in uu qofkaas xirto asagoo u aaba yeeleynin sharci iyo sharci darro.

War haddii aan aniga iyo qof sargaal sare ah aan maqaayad kursigeed isku qabsano ee uu laba askari uu u yeerto ee uu dhaho ninkaan ha la ii xiro ma la iska key xiri…..? Marka ay taas dhacdo waxaa waaye sharci ma jiro ee ninkii xoog leh reerka ha u haro waana meesha ay saantu ka quruntey oo uu wadan ku ka kici la” yahay.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON