Tartanka Ciyaaraha kubadda cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah uga furmay Garoonka kubadda cagta ee Konis Stadium ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa tartanka si rasmi ah u furay, iyadoo ay wehliyeen Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banaadir, Guddoomiye kuxigeenka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin kale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay furitaanka ayaa sheegay in Tartankan uu astaan u yahay nabadda iyo is dhex galka bulshada.
Tartankan ayaa isugu jira kubadda cagta 17 degmo ee gobolka Banaadir iyo ciyaaraha fudud, sida orodka oo lagu tartamo doono, Tartanka ayaa socon doona 24 maalmood.
Furitaankii u horeeyay ayaa waxaa lagu furay degmooyinka Kaxda iyo Boondheere, waxaana ay ku kala baxeen bar bar dhac goola la’aan.
Tartankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu qabto Guddoomiye Taabid, tan iyo markii xilkan loo magacaabay, Guddoomiyeyaashii ka horeeyay ayaa horay u soo qabtay Tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir.