Monday, June 23, 2025

Tedros Adhanom oo noqday Afrikaankii ugu horeeyay ee loo doortay Madaxa Hay’adda WHO

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Itoobiya Tedros Adhanom ayaa loo doortay madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Q/Midoobay WHO.

Tedros oo ahaa musharaxa Midowgha Afrika ayaa xilka ku tartameen laba murashax oo kale, waxayna doorashadu ka dhacday xarunta ugu weyn ee hay’addan Qaramada Midoobay ee  Switzerland.

Doorashadan waxaa codkooda ka dhiibtay ergada 194 dal ee xubnaha ka ah hay’addan oo mid kasta uu lahaa cod ka dhiiban doono.

Ad

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay cod ku yeelatay doorashada markii la isla meel dhigay  qaaraankii ku ururay muddo dheer, waxaana shir guddoon ku xigeenka ahaa wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abuukar Nuur.

Tedros Adhanom ayaa ku guuleystay inuu noqdo afrikaankii ugu horeeyay ee xilkan loo doorto kadib markii uu helay codad dhan 186 cod, waxaan la tartamay David Nabarro oo reer UK ah iyo Sania Nishtar oo ah wasiirkii hore ee caafimaadka ee dalka Pakistan.

- Advertisement -

Wuxuu bedeli doonaa Margaret Chan, oo xilka ka degeysa aakhirka Bisha June kadib markii ay muddo 10 sanadood ah madax ka ahayd hay’adda WHO.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON