Amar uu maamulka Somaliland ku soo rogtay Telefishanada madaxa bannaan ee ka howlgala degaanadeeda degaanadiisa ayaa dhaqan galey, iyadoo wararka Soomaaliya lagu darayo qeybta arimaha dibadda.
Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Somaliland ayaa shalay soo saartay go’aankan ay Telefishannada laga leeyahay Somaliland ku amreyso in ay wararka Soomaaliya ku saabsan ay ka horreysiiyaan Wararka Somaliland, isla markaasina wararka Somali u aqoonsadaan warar dibadeed, waxaana qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland sabab looga dhigay arrintan in Somalia iyo Somaliland ay kala yihiin laba dal.
Somaliland ayaa ugu horeysa maamullada Soomaalida ee saxaafadda ay kala kulanto caburinta, iyadoo saxafiyiin badan lagu xiro, laakiin go’aankan ayaa u muuqda mid loo qaaday raadinta aqoonsiga maamulkaasi raadinayey muddo ku dhow 30 sano.
WAREEGATADA HOOS KA AKHRISO
