Monday, June 23, 2025

Tirada Dadka qaba Coronavirus ee Somalia oo kor u dhaaftay 100 Qof (36 ruux oo Cudurka laga helay 24 Saac)

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa goor dhow shaacisay in 36 qof oo cusub laga helay cudurka Coronavirus, kadib markii la baaray 47 qof oo looga shakisnaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Waxaa kaloo la sheegay inuu Covid-19 Muqdisho ugu geeriyooday qof 60 sano jir ahaa, iyadoo hadda tirada dadka cudurka gudaha Soomaaliya aya gaartay 116 qof, dhimashaduna lix qof.

HOO KA AKHRISO WARBIXINTII U DAMBEYSEY EE COVID-19 SOMALIA:

Ad

24-kii saac ee u dambaysay waxaa la baaray 47 qof.

Waxaa laga helay curudka COVID-19 dad gaaraya 36 qof.

Bukaanada cudurka laga helay, 27 kamid ah waa LAB, 9 ka kalena waa DHEDDIG.

- Advertisement -

30 kamid ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%).

5 kamid ahna waxay da’doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%).

1 qofna wuxuu ka weynyahay 60 sano.

Waxaa maanta cudurka COVID-19 u geeriyooday 1 qof oo da’diisu tahay 60 sano kuna geeriyooday Muqdisho.

- Advertisement -

Tirada guud ee shimashada ayaa ah 6.

Si aad naftaada, midda qoyskaaga iyo tan bulshada-ba u badbaadiso, ku dadaala fara-dhaqasho joogto ah idinkoo isticmaalayo biyo iyo saabuun muddo ugu yaraan 20 il-biriqsi ah.

Aan ku dadaalno kala fogaashaha iskana yarayno isu-socodka aan muhiimka ahayn.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON