Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ka socota magaalada Jowhar.
Doorashada ayaa dib udhac ku yimid kadib markii beesha Jareer ay sheegatay  inay xaq u leedahay keligeed inay u tartanto xilka guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hiiraan. Waxaa arrintan dhex galay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), iyadoo kadibna musharixii Beesha Jareer uu ka baxay tartanka.
Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle waxa ku tartamaya Abuukar Xasan Cali iyo  Cismaan Barre Maxamed.
Abuukar Xasan Cali ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenka xilligan ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halka Cismaan Barre Maxamed uu hore u soo noqday guddoomiyaha degmada Beledweyne, waxaana labaduna ay ka soo jeedaan Beesha Gaaljecel ee degta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Goobjooge.com