Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta saxiixay heshiis ay dowladda Turkiga dib ugu dhiseyso xaruntii Baarlamaanka Soomaaliya ee Guriga Umadda.
Waxaa heshiiska kala saxiixday Hay’adda Horumarinta Turkiga ee TIKA iyo Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo dhismaha cusub oo ay ku baxeyso lacag gaareysa 100 Milyan oo Doolar uu ka koobnaan doono 7 Dabaq oo hoy iyo xarumo shirar ka koobnaan doona.
Guddoomiye Jawaari oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskaas lagu dhisayo xarunta ay hadda ku shaqeeyaan uu qaadanayo muddo gaareysa 5 bilood isaga oo xusay in kaddibna la dhisayo Xarunta Guriga Umadda ee uu Baarlamaanka leeyahay.
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar ayaa munaasbadda saxiixa heshiiska ka sheegay in dowladda Turkiga ay garab taagantahay dowladda Soomaaliya, iyadoo ay ka saacideyso sidii ay Soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Hay’adda TIKA ay dhiseyso golaha shacabka Soomaaliya isaga oo sheegay in marka la dhiso xarunta weyn ee Guriga Umadda ay halkaas u guuri doonaan golaha shacabka.