Wednesday, June 25, 2025

Tuugada internetka oo jabsaday website-ka Bankiga Swedbank ee dalka Sweden

Mid kamida bankiyada waaweyn ee Yurub oo laga leeyahay dalka Sweden ayaa Burcadka Internetka ay jabsadeen kadibna shaqada ka fariisiyeen.

Bankiga Swedbank’s  ayaa joojiyay shaqadii markii ay la wareegeen Tuugada Internerka oo weerartay taasoo keentay in macaamiisha Bankigaasi aanay awoodin inay khadka internetka kula macaamilaan sida uu shaaciyay afhayeenka Bankiga u hadlay.

Arrintan ayaa keentay in macaamiisha Swedbank ay awoodi waayeen inay wax lacag ah kala baxaan ama ku diraan internet-ka iyo barta uu bankigu ku leeyahay Onlineka, waxaase shaqeynayay Mobiles-ka, sidaasi waxaa saxaafadda u sheegay afhayeenka Swedbank Claes Warren.

Website-ka Bankiga ayaa sidoo kale la wareeray  bishii October ee isla sanadkan, waxaana cad inay sii socon doonaan weerarada noocan oo kale ah. Lama oga xilliga uu dib u shaqeyn doono website-ka Bankiga laakiin weerarkan waxaa ka badbaaday website-yada bankiga ee dalalka Balkiga.

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON