Wararka aanu ka heleyno magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland sheegaya in Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi Maxamuud Xassan Soocade amar ku bixiyay inaan Telefishinka Puntland laga sii deyn karin soo dhoweyntii yaabka lahayd ee aan loo kala harin ee maanta magaalada lagu soo dhoweeyay madaxweynihii hore ee mamaulkaasi C/raxmaan Faroole.

Soo dhoweyntii Faroole ayaa maanta ahayd mid aan loo kala harin oo taageerayaasha madaxweynihii hore si aan hore loo arag isugu soo baxeen, taasoo keentay inuu ka caroodo madaxweyne C/weli Gaas, kadibna soo dedejisay amarka oo si weyn ay ula yaabeen dadwyenaha Garowe.
Dad badan ayaa is weydiinaya sababta go’aankan ay u qaadeen madaxweyne Gaas iyo xukuumadiisa iyadoo C/raxmaan Faroole aanu olole siyaasadeed u tegin halkaasi, isagoo markii uu ka degay Garowe saxaafadda u sheegay inuusan cidna dhib ku ahayn.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]