Monday, June 23, 2025

Twitter oo digniin u diray dad gaaryaa 330 Milyan oo adeegsada bartaasi & Talo degdeg ah oo la siiyey

Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Twitter ayaa 330 milyan oo ruux oo adeegsada ka codsatay in ay baddalaan furaha sirta ah ee ay ciwaannadooda ku galaan, ka dib markii ay cillad soo foodsaartay shirkadda.

Shirkadda ayaa sheegtay in baaritaan gudaha ah oo ay samaysay uu muujinayo in aysan jirin wax tilmaamaya in dad shirkadda u shaqeeya ay xadeen ama si xun u adeegsadeen furayaasha sirta ah ee ciwaannada.

Sikastaba ha ahaatee dadka ciwaannada ku leh ayay shirkaddu ka codsatay in ay furahooda sirta ah baddalaan.

Ad

Shirkadda Twitter ma aysan sheegin inta fure ee ay saamaysay ciladdaasi.

Waxaa la fahamsan yahay “in aysan yarayn” tirada dadka ay saamaysan arrintan, ayna soo taagnayd “billooyin.”

Shirkadda Twitter ayaa aragtay fayraska toddobaadyo ka hor waxayna ku wargalisay qaar ka mid ah dadka arrimahaas qaabilsan, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay qof shirkadda u shaqeeya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON