Alla dhibka haysta waynaa ruuxa Muslimka ah ee lagu yiri tahniyad iyo bogaadin ha u dirin sanadka cusub ama xilliga Kirismaska dadkii ku soo dhoweeyey, deganaasho ku siiyey, muddo ka dibna xuquuq muwaadin oo dhamaystiran aad yeelatay. Intaa kuma eka e, waxay ogaalaadeen in aad Masaajido, minaarado dhaadheer leh aad taagato, Kaniisadahooda iibsato dadkoodana soo Islaamiso, haweenku xijaabkooda wataan.
Waxaase dhib wayn haystaa wiilkii ama gabadhii lagu yiri ka aamus afkana ka qabso dhakhtarka ku daweeya, macalinkaada Iskuulka ama Jaamacadda, saaxiibbadaa deriskaada, kuwaas oo xilligii Ciida Islaamka tahniyad iyo bogaadin kuu soo diray, adiga ha bogaadin tahniyadna ha u dirin xilliga ay dabaal degayaan.
Xiriirka Muslimka uu la leeyahay dadka aan Muslimka ahayn waxaa saldhig u ah laba arrimood, cadaawad diineed iyo colaad barakicin.
لَّا يَنْهَاكُمُ اللهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُم مِّن دِيَارِكُمْ أَن تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ إِنَّ اللهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ
Ilaaheey wuxuu yiri” Ilaaheey idinkama reebin in aad u cadaalad iyo baarinimo samaysaan kuwa aan cadaawad Diineed darteed dagaal idinku qaadin, guryihiinana aan idinka barakicin”
Baarrinimo waa ka gudo wayn tahay cadaalad samaynta. Cadaalad samaynta waa in aad intii kaaga aadan samayso, laakiin baarinimo waa in aad dheeri ku dartaa. Sidaa aan ognahay baarinimo waalidka oo keli ah ayuu Quraanku u isticmaalay.
Ciid mise Dabbaal-deg
Sida aan ognahay Diinta Islaamka Ciida عيد iyo Xaflad dabaal deg الاحتفال waa kala labo. Ciiddu waa arrin cibaado oo Salaad, Xoolo gawrac iyo adkaar intaba leh, laakiin dabaal-degga cibaado maaha waa arrin farax, bogaadin iyo yididiilo ku eg. Hadaba, waxay ku xirantahay ficilka aad ku dabaal degto ama aad ku bogaadiso dadka aanan kugu Diinta ahayn. Laakiin hadii cibaado iyo camal diineed arrinku yahay Muslimiinta laba Ciid unbay leeyihiin.
Hadaba su’aashu waxa ay tahay ma inagaa na loo samafalay mise inagaa ayaa samafalayna. Wadaadka ku leh kuwa kuu Samafalay naxariis iyo wanaag ha tusin wax baa ka khaldan. Dhibka ugu wayn ee culimadaas haystaa waa in au is waafajin la’yihiin Naska diiniga ah iyo nolasha waaqiciga ah.
W/Q: Ustaad Cabduraxmaan C/shakuur Warsame