Ugaaska Beesha Gaaljecel Ugaas C/raxmaan Ugaas Cabdullahi oo ka mid ah duubabka waaweyn ayaa maanta ku biiray shirka Jowhar.
Ugaaska oo muddooyinkan laga sugayay magaalada Jowhar, loona hakiyay qeybsiga xubnaha Baarlamaanka maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ayaa kasoo dhoofay magaalada Kismaayo.
Waxaa meel 10 KM u jira magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Sh/dhexe oo ay ka mid ahaayeen guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe Abukar Xasan Cali, Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo dadweyne faro badan.
Dhinaca kale waxaa maanta dib u dhac ku yimid socdaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tegi lahaa magaaladaasi.
SAWIRRO
Goobjooge.com