Monday, June 23, 2025

Ugaaska Mudulood ma cadow ayuu u adeegaa?!!

Maxamuud Cali Ugaas xilka uu sheeganayo xagee kala yimid ? yuu ka dhaxlay ? goormuu qaatay xil-beeneedka uu sito, dhamaan waxaan qormadaan ku kaga faalooneeynaa arimaha beenabuurka ah iyo sida Muddulood ugu dulqaatay Xaaraanta dhaqameedka muddo soo socotay balse

waxii la qariyaaba qaawisaa timid.

Waxaan filayaa in Ugaas Cabddulle uu dhintay horaantii 90- meedayadii iyga oo la ogyahay in Cali Ugaas Caddulle uu xilka la wareegay xiligaa iyada oo aanan lagu caano shubin qowmiyada mudduloodna xiligaa waxeey ku jirtay colaad waxeeyna difaac ugu jirtay badbaadinta dalka iyo dadka, Cali Ugaas Cabdulle waxaa laga fogeeyay dadkiisa iyo dalkiiisa waxuuna xiligaan Qoxooti ku yahay dalka Jarmalka,waxaa uu dalka Talyaaniga yimid horaabtii 2004 markii C/aahi Yusuf iyo huwantii Ethiopa aay dalka soo galeen halkaas oo uu C/aahi Yusuf u magacaabay xilka safaarada Talyaaniga ee Somalia iyada oo uu ujeedka ahaa ka fogeeyta reerka uu ka dhashay, Cali Ugaas oo aan kula kulmay dalka Sweden magaalada Stockholm waxaan weeydiiyay sabbabta aay reer Ugaas u keeni la yihiin Ugaas xalaal ah waxuu iigu jawaabay Ugaaska Muddulood waa Maxud Cali Ugaas welina in aanan caano lagu shubin ayuu cadeeyay asga oo si kaftan u dhahay aniga Ugaas ma ihi, weli Social Contract Muddulod kama haysto Maxud Cali Ugaas marka yuu matalaa, waxaa iyana xaaraan ah xildhibaanada federaalka ee uu soo xulay, Mudduloodna waa arkaa tayadooda iyo sida lagu soo xulay ( Nin aanan lacag bixin ma jirooo xildhibaan ah ) Maxud Cali Ugaas waakaa haka dhaarto in uu lacag qaatay ?? waxaan dhawaan keeneeynaa inta uu qaatay iyo cida uu ka qaatay oo xaqiiq ah. Xaaraan xaaraan ayeey dhashay oo waa taa Maxud Cali Ugaas xilka xaaraanta uu sheeganayo iyo kuwa uu Muddulood u soo xulay waa kuwa mooshinka wado.

Madaxweeyne Sheekh Shariif asaga oo uu ogyahay in Maxud Cali Ugaas iyo ninka Imaamka sheegta in aanan caano lagu shuban haysan Social Contract shacuubta Muddulood ayuu hadana awood u yeelan waayay in uu Muddulood u unko ama u sammeeyo hogaan dhaqan oo xalaal ah weli waa la sugayaa sida oo kale Madaxweeyne Xassan Sheekh Maxud asna kuma talo jiro in uu runta u sheego kuwa dhagarta iyo xilka beena sheegta in uu saxo Alow sahal umuuraha.

Muddulood kama baxaayo dhibta inta hogaanka dhaqanka qaldan yahay beenabuur yahay,maxaa diiday in jufa walba aay cadeeyso aragtida aay ka qabto kuwa hogaanka sheeta iyada oo la ogyahay in aay yihiin hogaan xaaraan ah ??

Sida oo kale ninka sheegta Imaamka xagee looga caano shubay ,waxaan jeclahay in hayadaha aminiga qaranka in aay talaabo ka qaadaan kuwa aanan sharciga aheeyn oo hadana ka hadlaaya dowlada iyo madaxweeyne, Muddulood waa in uu u istaagaa diidane kan Ugaaska sheegta iyo kan Imaamka sheegta oo lagu masruufo hoteelada Muqdisho, waxaa xaqiiq ah in Boqor ku sheega Qardho fadhiyaa iyo C/weli Gaas aay biilaan ninka Ugaaska sheegta iyo Imaamka, Muddulood waxaa laga burburiyay hogaan dhaqameedkii xalaasha ahaa ee berigii horex, maanta waxaa la abuuray hogaan xaraan ah, sow ma qumana in jufa walbaa in aay duubato cida aay isleedahay waad ku badbaadi-kartaa waana ku matali karaa, Ugaaska ma matalo Daauud ee naftiisa ayuu matalaa sida oo kale Imaamka naftiisa ayuu matalaa, Jufa walbaa waa in aay duubataa Boqor, Suldaan lagana gudbaa kuwa xaaraanta ah.

 dr.hiraabe1

Dr:Ali.A.Hirabe                     

Hir,[email protected]

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON