Tuesday, June 24, 2025

Uganda oo beenisay in 50 askari looga dilay Janaale iyo hanjabaad culus oo loo diray Alshabab

Dowladda Uganda ayaa beenisay in ciidamo gaaray 50 askari looga dilay weerarkii degaanka Janaale ay Alshabaab ku qaadeen 1-dii Bishan iyadoo arrintaas ku tilmaantay mid been abuur ah oo Alshabaab ay faafisay. Taliyaha ciidamada Uganda ayaa degdeg u yimid Muqdisho isla markaan socdaal ku tegay Janaale.

akunda

Padyy Akunda waxa uu sheegay in 12 askari ay ciidamada Uganda uga dhigeen dagaalkaasi, oo 10 ka mida loo duuliyay dalkooda, wuxuuna intaas ku daray in Alshabaab   qasaare intaas ka badan lagu gaarsiiyay dagaalkaas.

Jeneraalka ugu sareeya ciidamada Uganda waxa uu hanjabaad weyn u diray Alsahbaab isagoo sheegay in weerarkii Janaale kadib ay wax iska bedeli doonaan qorshaha ciidamada AMISOM isla markaana ay tallaabo adag laga qaadi doono Alshabaab oo jawaab aan hore loo arag ay la kulmi doonaan Alshabaab.

Alshabaab ayaa hanjabaadda taliyaha ciidamada Uganda u soo jeediyay ku sheegay hadal aan macne lahayn, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin la-dagaalanka ciidamada dalka ku soo duulay.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON