Ciidamada Uganda ayaa diyaarado dagaal geynaya dalka Soomaaliya si ay ugu xoojiyaan howlgalka AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya iyadoo diyaaradaha dagaal lagu xoojin doono ciidamada dhulka ee la dagaalamaya kooxda Alshabaab sida uu sheegay Afahyeenka ciidamada cirka Uganda Kiconco Tabaro.

Wareysi uu afhayeenka siiyay Xinhua ayuu sheegay in diyaarado dagaal oo ciidamada Uganda leeyihiin badankoodana noqon doona helikobtaro loo diri doono Soomaaliya ayna ciidmada AMISOM ka caawin doonaan sidii ay degaano hor leh uga qabsan lahaayeen Alshabaab.
Arrintan ayuu sheegay in loogu baahday kadib markii ciidamada dhulka Soomaaliya ku sugan ay kala fogaadeen isu socodkooduna adkaaday, waxaana diyaaradaha loo adeegsan doonaa dhinacyada dagaalka, caafimaadka iyo daadgureynta ciidamada.
Midowga Afrika ayaa wadahadal kula jiray Uganda si ay Soomaaliya u geyso diyaarado dagaal, waxaana afhayeenka ciidamada cirka Uganda uu sheegay in heshiis laga gaaray arrintan oo dhowaan diyaaradahaasi la geyn doono dalka Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada Uganda Col. Paddy Ankunda ayaa isna sheegay in diyaaradaga dagaal loogu baahday si ay u caawiyaan ciidamada howlgaladda wada ee dagaalka kula jira Alshabaab oo uu sheegay inay sii kordhisay weerarada ay ku qaadeyso ciidamada AMISOM.
“Waxaan gaarnay meel aan kasoo noqosho lahayn. waxaana na heysatay taageero la’aan dhinaca cirka ah si Alshabaab loola dagaalamo” ayuu yiri Mr. Paddy Akunda oo cadeeyay in tallaabadan ay xoojin doonto awoodda ciidamada AMISOM iyo nabadeynta Soomaaliya.
Qorshaha diyaaradaha dagaal ee Uganda lagu keenayo Soomaaliya ayaa yimid kadib markii uu madaxa guddiga nabada iyo ammaanka midowga afrika Kampala uga qeybgalay shir madaxa ammaanka iyo sirdoonka dalalka Bariga Afrika ku yeesheen halkaasi, isagoo ku dhawaaqay in Midowga Afrika kala hadlayo Uganda sidii diyaarado Helikobtaro ah ugu diri lahayd Soomaaliya.
Waxaa la xusuustaa in Uganda isku dayday sanadkii 2012 inay diyaaro dagaal oo nooca Helikobtarada ah u soo dirto Soomaaliya, balse saddex diyaarood oo noocaas ah ayaa ku burburay dalka Kenya iyagoo ku soo jeeday Soomaaliya, waxaana ku dhintay 7 ruux oo ahaa duuliyeyaashii diyaaradahaasi.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]