Ilma adeerayaal, Soomaaliyeey, beryahaan waxaa inagu badan is haruuf dhexdeena ah, cay, aflagaado iyo lafa-dhaan fara badan oo aanu isu geysaneyno dhexdeena, wax kalena ma ahane waxaanu saluugsanahay go’aamada ay inoo gaareen madaxeena maanta ee ah sida wadankeena lagu qeybin doono awoodda dolwadda iyo baarlamaanka soo socda.
Waxaan idiin sheegayaa, innagoo aan dhibkeena iyo hagardamooyinka aanu soo marnay hadana weli ma joogno xiligaanu shacab ahaan wax ka badali karnay wax kasta oon saluugsanahay.
Tan kale oo jirta waxeey tahay, kuwa inoo taliya hadda kuu doonno ha ahaadee waxba kama qaadi karno, hadeey kuligeen ina wada suuq geeyaana sidii berigii gadiska dadka madoow oo kale xitaa, goor dhow wax haray ayaaba iska yar oo wadankiiba fara kuma jiro, si dadban ayaana loo wada iibsaday bad iyo beriba, hadana inagoo intaas oo dhan u jeedna,aan cagta u dhigno, innagana yeeynaan isku dambaabine, aan cadibaadda dhexdeena ah iska deyno, ha innagu baashaalane inta ay waqti heystaane.
Laakiin maalintii nin iyo cod ay noqoto ayaanu ka ciilbeeli doonaaye, ee bal maalintaas ilaah inooga tuuga in uu nabad nagu gaarsiiyo, inta ka horeysana yaanuu dhiig kar innagu dhicine, aanu iska dayno aflagaadooda iyo aflagaadada dhexdeena aanu isku hurgufeynaba ileyn waxba inooma tarimeysee, waase inoo maalintaas aan kor ku xusaye, aanu is dajino ilma adeerayaal.
Iyaga qudhoodana aanu fursad siino, ileyn ma badali karnee.
W/Q: Amina Mussa Weheliye