Sunday, July 13, 2025

UPDATE: Liiska mas’uuliyiinta ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyadii maanta

Qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay hotelka Central ee magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay dhimasho iyo dhaawacii ugu badnaa ee soo gaara mas’uuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiin fara badan oo hotelka ku sugnaa. Weerarkaasi oo lagu soo beegay xilligii salaada jimce lagu jiray ayaa waxaa ka danbeeyay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo gudaha hotelka ku sugnaa iyo is miidaamiye haweeney ah oo  jaakado qarxa xirneyd oo hotelka ku jirtay qaraxa hore ka dibna gudaha isku qarxisay.

tacsi

[ad name=”HTML-2″]

DHIMASHADA IYO DHAAWACA LA XAQIIJIIYAY WAXAA KAMIDA:

 

DHIMASHO

1. Maxamed Aadan Guuleed (Caanageel) guddoomiye ku xigenkii Gobolka Banaadir

2. Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug )

3. Xildhibaan Maxamud Ducaale Muuse (Xaaji Kafee)

4. C/shakuur Mire Aadan (Guddoomiye ku xigeenkii Xisbiga Daljir-Qoraa)

5. Cabdi Khaliif Baadiyow (La-taliyaha Ra’iisal wasare ku xigeen)

6. Maxamed Cilmi (masuul ka tirsan Xafiiska Ra’iisal wasaaraha)

 

DHAAWAC

1. Wasiirka Dekaddaha  Nuur Faarax  Xersi

2. Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar

3. Wasiir hore C/raxmaan Maxamed Bangax

4. Maxamuud Axmed Guddoomiyihii Degmada  Balcad

5. Maxamed Cumr Carte (Dhaawac fudud -firir yar oo lugaha ah)

7. Salaad Cali Jeelle (Dhaawac fudud  -jug)

8. Wasiir Cali Jangeli (Dhaawac fudud -jug)

Wasiir Jangeli waxaa la xaqiijiyay inaysan waxba gaarin marka laga  reebo jug uu gaarsiiyay gidaas ku soo dhacay iyo bus hareysay, sidoo kale waxaa  dhaawac fudud soo gaaray Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Cart.

 

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON