Thursday, July 17, 2025

Ururada Bulshada Muqdisho oo abaabulay bannaanbax dibna ugu soo laabtay Masraxa Siyaasadda

Ururada Bulshada Muqdisho ayaa mar kale kasoo muuqday masraxa siyaasadda kadib markii bannaanbax ay soo qabanqaabiyeen uu maanta ka dhacay Muqdisho. Banaanbaxan ayaa la sheegay inay qabanqaabisay Dallada SOSOCENSA ee loo yaqaan Jilayaasha aan dowliga ahayn oo uu guddoomiye u yahay C/llaahi Maxamed Shirwac.

Banaanbaxa maanta ka dhacay Muqdisho oo lagu qabtay taaladda Daljirka Dahsoon waxaa kasoo qayb galay qeybo ka mida ururada bulshada ra’yidka  ah oo ay ka dhex muuqdeen dalladaha Waxbrashada, arday iyo dadweyne kale waxaana la sheegay in looga horjeeday dowladda Kenya iyo shirkad Talyaani ah oo la sheegay inay baairtaan ka wada Badda Soomaaliya ee Kenya sheeganeyso.

[row][double_paragraph]shirwac [/double_paragraph][double_paragraph] [ad name=”HTML-3″] [/double_paragraph] [/row]

Qaar ka mida madaxda ururada Bulshada iyo Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya SOSCENSA oo lahaa qabqaabada banaanbaxa ayaa dadkii isu soo baxay oo arday u badnaa u  sheegay in  Dalalka Kenya iyo Talyaaniga ay yihiin kuwa oo kuwa ugu daran ee xaalufinta ku haya Badda Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la joojiyo xaalufinta badda Soomaaliya. Ka qeybglayaashii bannaanbaxa ayaa  watay boorar ay ku qoran yihiin dooni mayno xaalufinta iyo erayo kale.

ban01

[ad name=”HTML-4″]

ban02

Ururada Bulshada rayidka ahaa ayaa  isaga haray siyaasadda iyo banaanbaxyada tan iyo markii xilka laga qaaday Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilligii KMG ahaa, iyadoo arrintaas ay khilaaf weyn ka dhex dhalisay ururad rayidka ee Muqdisho ka jira. Shirwac ayaan la ogeyn ujeedada uu bannaanbaxi ka leeyahay iyadoo mowduuca uu xilligan doortay aanu ahayn mid xilligan miiska saaran, waxaana la saadaalinayaa inay salka ku heyso arrimaha hiigsiga cusub  oo soo dhowaaday iyo dib u soo nooleynta doorkii ururada Bulshada rayidka ee dhinaca  siyaasadda oo meesha ka baxay.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON