Friday, June 27, 2025

Ururada Bulshada oo War kasoo saaray khilaafka ka dhex taagan Baarlamaanka & Xukuumadda [Akhriso]

Maanta oo ay taariikh du tahay  19ka bisha maarso, waxaa kulan isugu yimid Xubno ka kala socda qaybaha   Bulshada Rayidka ah, kulankan waxaa looga hadlay arimaha taagan ee khilaafka Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo Xukuumada.

Bulshada Rayidka waxay  walaac ka muujinayaan  Khilaafka ka jira Hayada Dastuuriga ah taas oo keenaysa in dib dhac ku yimaado dhismaha Dowladnimaddii Soomaaliyeed iyo horumarka dalku  tilaabsan lahaa.,

Aragtida Bulshada Rayidka

  • Bulshada rayidka waxay soo jeedinaysaa in la ilaaliyo  in lagu dhaqmo shuruucda dalka   lana waafajiyo wax kasta  oo la isku hayo, Dastuurka iyo Xeer hoosaadka.
  • Bulshada Rayidka waxay taageer aysaa dadaalka ay wadaan Gudiga Golaha aqalka Sare, waxayna diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan   Xalinta Xiisada Siyaasadeed.
  • Bulshada Rayidka waxay soo jeedinaysaa in lagu soo celiyo Golaha Shacabka jawigii ka horeeyay khilaafka.
  • Bulshada Rayidka waxay soo dhawaynaysaa aqbalaadii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka aqbalay in cod loo qaado mooshinka
  • Bulshada Rayidka waxay diyaar u tahay ka qayb qaadanaysaa hubinta iyo korjoogtaynta habka ay u dhacayso Codbixinta.
  • Bulshada Rayidka ah waxay soo dhawaynaysaa dhamaan hayadihii iyo kooxihii ka qayb qaatay in la qaboojiyo xiisada
  • Waxaan ugu baaqnaynaa dadka soomaaliyeed in ay ilaalshadaan midnimadooda , xasiloonidooda iyo wadajirkoodaba.

Gunaanad

Dalladda SOSCENSA  waxay u mahad celinaysaa dhamaan xubnihii ka qayb qaatay kulanka looga hadlay arimaha taagan, waxayna u rajaynaysaa Bulshada Soomaaliyeed Nabad iyo Barwaaqo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON