Booliska Kuweyt ayaa qabtay haweeney dalkaasi u dhalatay oo filim ka duubtay haweeney shaqaale u ahayd oo dabaqa 7aad oo ay ku noolaayeen iska tuureysa.
Haweeneyda Itoobiyaanka ah ayaa ahayd shaqaalaha guryaha ka shaqeeya (Booyeeso) ayaa muuqaalka waxaa ka muuqda iyadoo isku dayeysa inay is disho, laakiin markii danbe ay la xumaatay oo dooneysa inay la taageero.
Video-ga ayaa lagu baahiyay baraha bulshada ayaa naxdin dhaliyay, waxaa qortay jariidada Assiyaasah, waxaana la yaab lahayd in haweeneydaasi ay badbaaday.
Haweeneyda oo isbitaal loola cararay ayaa la sheegay inay gacan ka jabtay isla markaana uu dhiig ka socday sankeeda iyo dhegaheeda, waxaana haweeneyda carbeed ee ay u shaqeyneysay loo heystaa dembi ah inaysan caawin dhibanaha.
Goobjooge.com