Ismaacil Cumar Madar oo uga qeyb-galay Soomaaliya tartanka qur`aan akhris dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalada Dubai ayaa tegay dalka Qatar, kadib casuumaad ay u fidissay dowladda dalkaasi, waxaana dadkii soo dhoweeyay ee uu la kulmay ka mid ahaa Sheekha caanka ah oo masjidka uu khadiibka ka yahay ku booqday Sheekh C/rashiidd Cali Suufi.
Casuumaada uu wiilkaan ku tegay Qatar ayaa waxaa fududeeysay safaaradda Soomaaliya ee Doha, gaar ahaan safiirka oo ka shaqeeyay in warka wiilkaan siyaasadeeyay tartankii uu ka haray la gaarsiiyo dowladda qatar.
Sheikh C/rashiid Cali Suufi ayaa kaga mahad celiyay safiirka gacanta uu ka geystay fududeynta in wiilkaan yimaado Qatar, waxayna taasi soo kicin kartaa xiisada Soomaaliya iyo dalalka Sacuudiga horboodayo.
Ismaaciil oo tartankii uu ka qeybgalay siyaasad ku dabaqay guul-darradii uu kala soo laabtay tartankaasi, wuxuuna sheegay in xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa xulafada Sacuudiga iyo dowladda Qadar islamarkaana ay Soomaaliya dhex iska taagtay ay saameysay.
Hadaba sheegashada Ismaaciil ayaa waxaa burinaya warbaahinta Khaliijka oo iyagu tallaab-tallaab ula socda tartankan quraan akhriska DIHQA ee uu maalgeliyo madaxweyne ku xigeenka Dubai islamarkaana ah r/wasaaraha Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, waxaana ay qorayaan in waddanka uu ismaaciil kasoo jeedo ee Soomaaliya iyo 10 waddan oo kale looga reebay tartanka sababo la xiriira xirfadooda aqoonta oo aad u liidatay.
HALKAAN KA AKHRI CADDEYNTA GUULDARADA ISMAACIIL
VIDEO SOO DHOWEYNTA QATAR LOOGU SAMEEYAY