Shirkadad Apple ayaa soo saartay telefoon gacan-qaad ah midkii ugu casrisanaa, iyadoo lagu soo beegay sanadguurada 10-aad ee asaaska shirkadda.
iPhone X ama iPhone 10, waxaa lagu sheegay inuu kacaan cusub gelinay telefoonnada gacanqaadka ah ee caqliga leh, iyadoo gebi ahaan meesha laga saaray batoonkii HOME ee wax waliba laga xukumi jiray telefoonadii hore.
Qiimaha telefoonka oo laga dhigay $999, ayaa dad badan ay gadaal uga degayaan iyadoo dadka lacagta leh iyo ganacsatada ay durba ku xoomeen.
SAWIRRO