Thursday, July 17, 2025

VIDEO: Turkiga oo faafiyaan muuqaalka ninka baxsadka ah ee 39-ka qof ku laayay Istanbul

Ciidamada Ammaanka Turkiga ayaa baahiyay muuqaalka iyo sawirka nin habeenkii sanadka cusub dad badan oo damaashaad ku jiray ku laayay magaalada Istanbul.

Ninkaasi ayaa dilay 39 qof oo u dabaaldegayay sanadka cusub. Ciidamada aya u maleynaya inuu ka yimid mid ka mid ah dalalka bartamaha Aasiya, oo ay wehliyeen xaaskiisa iyo laba caruur ah.

Wuxuuna Turkiga galay bishii November ee sanadkii dhammaaday. Qoyskiisa ayaa la sheegayaa in marar badan la xiray.

Booliska dalka Turkiga ayaa wado howlgal joogto ah tan iyo Isniintaa, balse illaa iyo hadda ninkaas ayaa baxsad ah.

Waxay laamaha amniga ee dalkaasi baahiyeen muuqaal uu iska duubay ninka looga shakiyay inuu weerarkaasi qaaday.

Dalalka ay u dhasheen dadka ku dhintay weerarkii Istanbul

  • Turkey: 11
  • Saudi Arabia: 7
  • Iraq: 3
  • Lebanon: 3
  • Jordan, India, Morocco: min laba qof.
  • Germany, Syria, Israel, France-Tunisia, Tunisia, Belgium, Kuwait, Canada, Russia: waxaa ka geeriyooday min hal qof.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON