Friday, July 11, 2025

Vladimir Putin oo markii afraad loo dhaarinayo Madaxweynaha dalka Ruushka

Vladimir Putin ayaa markii afraad maanta loo dhaarinayaa madaxweynaha dalka Ruushka, ka dib markii uu ku guuleystay Doorashadii u dambaysay ee dhacday bishii Maarso.

Putin ayaa awoodda dalkaasi soo hayay 18 sano isagoo marna madaxweyne ahaa marna Ra’iisul wasaare, waxaana lagu tilmaamaa in Ruushka si adag u xukuma oo ku soo celiyay heybadii iyo awoodii uu kula tartami jiray Mareykaka.

Waxaa la filayaa in Putin uu la kulmo dad mutadawiciin ah oo ka qaybqaatay ol’olihiisa doorashada. In kabadan 1,000 ruux ayaa lagu xiray 19 magaalo oo Ruushka ku yaalla Sabtidii, ku dhawaad kala bar dadkaas ka mid ahna waxaa laga qaqabtay magaalada Moscow.

Putin ayaa ku guulaystay 76% codadkii la dhiibtay, waanana guushii ugu waynayd ee uu doorasho ka gaaro, laakiin korjoogtadii caalamiga ahayd ayaa sheegtay in ay dhacday wax isdaba marin badan. Doorashooyinkii hore ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay wax isdabomarin badan dhacday.

Ninka ugu caansan mucaaradka dalkaas Alexei Navalny ayaa laga horistaagay in uu Putin la tartamo waxaana lagu eedeeyay wax isdabomarin, balse wuu diiday eedaymahaas wuxuuna sheegay in la siyaasadaynayo.

Navalny ayaa wakhti kooban la xiray Sabtidii ka dib markii uu isku dayay in uu ka qaybqaato dibadbax ka dhacayay Moscow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON