Idaacadda VOA Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa shaqaaleysiisay sadex kamid ah Weriyayaasha Soomaaliyeed ee ku nool Woqooyiga Ameerika oo kala ah Axmed Cali Sheekh, Nuur Xasan Bukhaari iyo Jamaal Cusmaan oo kukala sugnaa Wadamada Mareykanka iyo Turkiga.
Axmed Cali Sheekh wuxuu kamid ahaa Weriyayaashii muddada badan ka soo shaqeeyay Magaaladda Muqdisho isagoo sanadihii ugudanbeeyayna ahaa Milkiilaha Shabakadda Caasimada.com halka Weriye Jamaal oo isana ka soo shaqeeyay Magaaladda muqdisho uu sanadihii ugudanbeeyay mihnadiisa uu kashaqeeyay Idaacadda Bar-kulan xarunteeda Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya.
Dhamaan weriyayaashaan ayaa si joogto ah ugaqeybgalidoona barnaamijyada iyo warar kabaxa Idaacadda VOA laanteeda Afka soomaaliga oo sidoo kale lagusookordhindoono waqtiyo dheeraad ah iyo barnaamijyo hor leh oo isugu jiridoona Maqal iyo Muuqaal.
Weriyayaasha Axmed Cali Sheekh iyo Jaaml ayaa horay ugu noolaa dalka Mareykanka halka Weriye Nuur Bukhaari oo deegaankiisu ahaa Dalka Turkiga waxaana dhamaan suxufiyiintaasi ay ka howlgalidoonaan xarunta Idaacadda VOA Soomaali ee Magaaladda Washington.
Idaacadda VOA laanteeda Soomaaliga ayaa sanadihii ugu danbeeyay waxaay shaqaleysiineysay Suxufiyiintii dalka ka soo cararay kuwoodii gaaray Mareykanka kuwaasi oo dhamaantood lagu xushay imtixaanaad ay mareen inta badan weriyayaasha hadda kunool Dalka mareykanka.
Horay waxaa VOA laanteeda Afka Soomaaliga uga shaqeeynayay weriyayaal leh khibrad war-baahineed kuwaasi oo intoodii badnaa ay shaqada isagatageen sababo laxiriiray khilaaf sookaladhexgalay iyaga iyo Agaasimaha VOA laanta Afoomaaliga ah Muddane C/raxmaan Yabaroow.
Xigasho: wariyaha
[ad name=”HTML-1″]