Sunday, July 20, 2025

Waa kuma Askariga toogashada ku dilay Lix Qof oo Xaaskiisa ku jirto kadibna is-dilay..?

Askari ka tirsan booliska Kenya ayaa toogasho ku dilay shan qof , magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kahor inta aanu isdilin, sida ay sheegtay hay’adda dambi baarista ee DCI.

Arintan oo si weyn looga hadal hayo dalkaasi ayaa waxaa ku kacay sakraal 53 sano jir ah oo lagu magacaabo Benson Imbatu, wuxuuna oo rasaas ku furay toddobo qof oo la joogay. wuxuuna halkaasi ku dilay 5 ka mida, isagoo dhawac halis ah gaarsiiyey laba kale.

Kabete ayaa la sheegay subaxnimadii maanta ee Talaadada ina aanu falka ku kicin uu ahaa nin aamusan, kadibna uu arrintan ku dhaqaaqay.

Askariga ayaa markii hore toogtay xaaskiisa oo ku sugneyd gurigooda, kadibna wuxuu qaatay qori AK-47 ah, kadibna wuxuu toogasho ku dilay afar qof oo kale, sida ay hay’adda dambi-baaristu ku sheegtay Twitter-ka, iyaga oo ku tilmaamay qofka toogashada geystay in uu ahaa “Sarkaal khaa’in ah”.

“Kadib markii uu dilay seddex qof, ayuu askarigu qorigiisa kula jeestay laba nin oo mooto watay, kuwaas oo mid ka mid ah uu geeriyooday intii lala tacaalayay,” ayuu yiri booliisku.

Francis Wahome oo ah sarkaalka u qaabilsana booliska deegaanka Dagoretti ee magaalada Nairobi ayaa goor sii horeysay xaqiijiyay dhacdadan, waxaana uu tirada dadka la dilay uu ku sheegay lix ruux.

Warbixin uu soo saaray booliiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in tirada dhimashada ay gaartay lix qof.

Dad careysan oo ka agdhawaa halka uu falku ka dhacay oo markii dambe dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan rabshadaha ayaa taayiro ku gubay wadada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON