Saturday, August 13, 2022

Waa kuma Sheekh Muqtaar Roobow Cali..? (Wadaadka Xabsiga loogu bedelay xilka Wasiirnimo)

Muqtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) oo muddo 3 sano u xirnaa dowladii Madaxweynihii hore ee Farmaajo ayaa maanta 2 Ogost 2022, loo magacaabay Wasiir ka tirsan xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Xamza Cabdi Barre ayaa soo dhisay xukuumad uu Sheekh Roobow ka mid yahay, isagoo loo magacaabay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, iyadoo tallaabadan ay ahayd lama filaan, balse la hadal hayey maalmahan.

Sheekh Roobow oo muddo dheer kamid ahaa madaxda Xarakada Alshabaab, kana soo noqday Amiir ku xigeen ayaa qaatay go’aan uu wadahadal kula furay dowladda Soomaaliya; kadibna wuxuu ogolaaday inuu isu dhiibo dowladda Federaalka.

Ad

Wuxuu ka baxay fikirkii Alshabaab, isagoo noqday siyaasi caad iah oo taran u galay xilka Madaxweynaha K/Galbeed, laakin waxaa xabsi gudi galiyey dowladii Famaajo oo ilaa maanta uu u axirnmaa inta aanu noqon Wasiir ka tirsan Xukuumadda cusub.

Maxaa laga yaqaan Muqtaar Roobow, sideese ku timid in uu ka go’ o xarakada Alshabaab, sadarada soosocda ayaa ka jawaabaya.

“Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) waxa uu ku dhashay degmada Berdaale ee gobolka Bay; sanadkii 1960, waxa uu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha xarakada Alshabaab ee dadkii la kulmay ay ku tilmaameen in uu yahay nin deggan, dhaqanka iyo abaalkana xeersha.

- Advertisement -

Mar ka aad eegto Buugga  تجربة المحاكم الإسلامية; ee uu qoray Cumar Iimaan Abuubakar, qaybta xubnaha, Guddiyada iyo xafiisyadii Maxkamadihii Midoobay Roobow meelna uga ma jirin xilalka iyo waajibaadka iyo xitaa madaxda, halka Axmed Cabdi Aw Muxumad Dalab, Axmed Godane uu ahaa xog-hayihii guud ee Maxkamadihii Midoobay, sidii ay doontaba ha u dhacdee waxa uu ahaa kuxigeenka Xafiiska difaaca oo uu madax ka ahaa Sarreeye Gaas Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde), sidaas oo kalena waxa uu ka mid ahaa guddoomiye ku xigeennaddii golaha fulinta.

Mukhtaar Roobow Cali; waxa uu ka mid ahaa 12-kii qaybood ee ku midoobay dhismaha Midowga maxkamadihii qabsaday Muqdisho, kadib dagaal dhiig badanii ku daatay oo billowday bishii 18-February-2006, waxa uu ku soo galay Magaca Alshabaab oo ahaa garab hubeysan, hayeeshee aan markaas loo aqoon Alshabaab,

Dabayaaqadii 2006; markii la jebiyey xooggii maxkamadaha waxa kamid noqday Muqtaar Roobow; madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ugu firfircoon gudaha xarakada Alshabaab; sidaas oo kalana waxa uu ahaa oday suuqgeyn fiican u sameeya sidii dhaqdhaqaaqa Alshabaab u kasban lahaa dhallinyaro badan oo ku biirta.

Sanadihii 2007-2009; oo ay dhaceen dagaalo aad u qaraar oo ay xarakada Alshabaab la gashay ciidanka dowladda Soomaaliya; kuwa nabad illaalinta howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, waxa uu Roobow ka ciyaariyey door weyn oo tayeyn; Jiheyn iyo taageero u raadin ah, sidii ay xarakada Alshabaab ugu guuleysan lahayd sii ahaanshaha awood jirta.

- Advertisement -

Muqtaar Roobow Cali; Abuu Mansuur; oo ka hadlaya fagaare xilliigii uu kamid ahaa madaxda Alshabaab[/caption]Macalin Aadan Xaashi Ceyrow (Abuu Muxsin Al Ansaari) oo ahaa maskaxda ka danbeysay waaxda tababarada Alshabaab ayaa geeriyooday May 1-2008,
Aadan Xaashi Faarax Ceyrow ma ahayn Macallin Qur’aan, waxa uu ahaa tababare dhan ka ciidan ka ah,

Geerida Ceyrow; waxaa ay kaalin uu hamminayey u banneysay Axmed Cabdi Godane.Burbur kii Maxkamadaha Midoobay kadib iyo kahorba ma aanay jirin awood Alshabaab oo ka sareysay Aadan Xaashi Ceyrow, taasina waxa ay welwel badan ku haysay Axmed Cabdi Aw Muxumed Dalab (Axmed Godane) oo ay u muuqatay in aanu ku badbaadi Karin kuna dhex noolaan karin maamul aan gacan tiisa ku jirin, sababtuna waxaay ahayd waxa jiray dakanooyin dhowr ah oo Axmed Godane ka galay meelo kala duwan, kuwaasoo welwel joogto ah ku hayey nolosha Axmed Godane ka dib burbur kii MM.

Roobow,Timajilic iyo madax kale oo kamid ah Alshababa, Timajilic waxa uu ku geeriyooday Dagaal oo ka dhacay degmada Guriceel ee Galgaduud[/caption]

Mar kii uu dhintay Macalin Aadan Ceyrow May-2008, waxa subaxnimadiiba xaqiijiyey oo warbaahinta u sheegay Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) taas oo ka dhignayd in uu buuxin doono kaalinta uu banneeyey Macalin Aadan, sidaas ayay noqotay, oo Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) waxa uu noqday Afhayeenka Alshabaab,taasina waxa ay sii iftiimisay inuu hayo awoodda ugu sarreysa ee Alshabaab, tallaabadaasi waxa ay welwel iyo walbahaar ayay ku sii kordhisay Axmed Cabdi Godane; dadaal badan ayuu geliyey Godane sidii uu u hanan lahaa xilka amiirka guud ee Alshabaab.

Roobow waxa uu sii hirgeliyey hab- dhaqan kii Macalin Aadan oo ahaa soo dhoweynta dadka uu u arkayo in ay waxa uu doonayo qof ahaan iyo urur ahaanba ku caawin karaan iyo raacdeynta cid kasta oo uu u arko in ay ka hor iman karto ujeeddooyinka urur ka iyo in haddii loo baahdo marar ka qaarkood la adeegsado qabaaila si loo ka la qaybiyo loona kala jebiyo kooxdii loo arko inay ka hor iman karto hadaf ka Xarakada, waxa uu billaabay Roobow in uu dadka la macaamilo, marar ka qaar koodna u doodo sida qof siyaasi ah oo maamul jira doonaya in uu wax ka bedelo, waxyaabaha la xusuusto waxa ka mid ah in uu siidaayey dhowr xubnood oo ka mid ah baarlamaan kii dowladdii C/llaahi Yuusuf, mar kii Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) uu qabsaday Baydhabo.

Muddo sanad ah ka dib kaalintii loo badinayey in uu qabanayo Muqtaar Roobow; si ay u dhacdaba waxaa si dad badan ka yabaisay u la wareegay Axmed Godane, kadibna; Cali Maxamuud Raage; Cali dheere ayuu u magacaabay Afhayeen ka Alshabaab, taas oo gacmaha Roobow ka dheereysay maamulka iyo maareynta howlaha Alshabaab.
Waxa uu xilka Af-hayenimada hayey Mukhtaar Roobow 1- May-2008 illaa 1-May-2009.

Sheikh Muktar Robow Abuu Mansuur, a senior official of the Al-Shabaab group, walks along the frontline, north of Mogadishu, June 29, 2010. REUTERS/Omar Faruk (SOMALIA – Tags: POLITICS CIVIL UNREST)

Tallaabadaasi waxay soo iftiimisay waxyar sida Mukhtaar Cali Zubeyr (Axmed Cabdi Godane) isaga illaalinayey Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo u muuqday nin u fakaraya si aad uga duwan sida Axmed Godane u fakarayey.

Axmed Godane; oo maanka ku hayey sumcadda Roobow ku dhex leeyahay Alshabaab iyo taageerada uu ka heli karo tolkiisa ayaa qaatay in uu u magacaabo Roobow; ku xigeen ka Amiir ka Alshabaab, hayeeshee Muqtaar Roobow; waxa uu ka doorbiday xilkaas in uu noqdo xubin ka mid ah Alshabaab, taas ayaa sii muujisay sida uusan ula dhacsaneyn Amiirnimada Axmed Godane, Waana billowgii ka la fogaanshaha labada hoggaamiye.

Waxa ay arintu si cad u soo baxday markii Axmed Godane Augoto 2011; si adag u dhalliilay la midowga Gaashaanle sare Xasan Daahir Aweys ee Alshabaab, kaas oo ku yimid hab ay kawada shaqeeyeen hoggaamiyeyaal magac ku leh Alshabaab; balse aan taageero ka haysan Axmed Godane; sidaas oo kalena waxa uu Godane diiday ogolaanshe loo weydiiyey gargaar ka ay helaan dadka ku nool Bay iyo Bakool, halka Mukhtaar Roboow uu si cad u diiday joojinta iyo xitaa faragelinta gargaarka ay helaan gobolada Bay iyo Bakool.

Dhacdooyinkaas oo soo jiitiimiyey waxa ay sii kala dheereeyeen Axmed Godane iyo Mukhtaar Roobow.

Bishii December-2010 urur ka Alqaacidda ayaa soo saaray go’aan quseeya dhaqdhaqaaqiisa Soomaaliya, kaas oo wax looga bedelayo nidaamka iyo qaabdhismeed ka Urur ka Alshabaab, waxa uu go’aan kaas si toos ah u taabanayey hoggaanka sare, Waxa uu farayey in Mukhtaar Cali Zubeyr (Axmed Cabdi Aw Muxumad Dalab Axmed Godane) lagu bedelay Ibraahim Al Afghani, ama (Macalin Cali) ama (Abuubakar Aseylici) ama (Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad) oo June-19-2013 ay Alshabaab dileen isaga iyo Nin kale oo la yiraahdo C/xamiid Xaashi Col-haye (Macalin Burhaan). kadib amar soo qabasho ah oo uu soo saaray Axmed Godane hayeeshee ay diideen sida uu sheegay af-hayeenka howlgallada ee Alshabaab Cabdi Casiis Maxamed Cadde ( Abuu Muscab).

Hadal ay soosaareen rag ka mid ah Alshabaab oo lagu baahiyey Internet-ka, islamrkaana jawaab celin u ahaa hadalka hore ayaa lagu sheegay in dilka Ibraahim Afghan iyo Cabdixamiid Colhaye aanu u dhicin sida uu sheegay af-hayaha howlgallada ee Alshabaab Cabdi Casiis Maxamed Cadde ( Abuu Muscab), in kasta oo dilka labadaas nin uu ahaa kan bannaanka soo dhigay khilaaf ka muddada badan ka dhex taagnaa Xarakada, haddana waxa uu toosh ku ifiyey suurtagalnimada in ku dagaalanka hoggaanka xarakadu uu sababo kala shaki, kaas oo sababay dilkii Ibraahim Xaaji Jaamac Afghan.

Go’aan kaas Alqaacidda waxaa diiday in ay adeecaan ama u hoggaansamaan tiro badan oo ka mid ah Alshabaab, Sidaas ayuu Axmed Godane ku sii watey xilkiisa Amiir ka Xarakada.

Mukhtaar Roobow waa nin ku qanacsan qayb ahaan hab-dhaqan ka hoggaamiyihii Alshabaab hayeeshee waxa ay arintu xumaatay markii Axmed Godane isku dayey inuu awoodda iyo talada xarakada gacantiisa wada geliyo,halka Mukhtaar Roobow isu arkayey oday iyo hoggaamiye mug leh taas oo Axmed Godane xagga dambe ka tuuray.

Axmed Godane waxa uu ahaa nin jecel in awoodda iyo talada Alshabaab ay gacatiisa ku wada jiraan, taasina uma aanay cuntamin rag badan oo kamid ah xarakada, kuwaas oo isu arkayey in ay mudan yihiin ka talabixinta iyo u talinta go’aanada waaweyn ee Ururka.

Mukhtaar Roobow waa nin muddo ku hamminayey in Alshabaab noqoto hab cusub oo dowladnimada Soomaaliya qabsada, kaas oo sida uu doonayo u fasira diinta; si xarakadu u hesho kalsooni iyo sumcad dadweyne, waxa uu dhowr goor ku taliyey in aan xawaaraha xadka laga saarin, waxa uu hoosta ku watay Xasan Daahir Aweys iyo Xubno sidiisa oo kale isbedel doon ah iyaga oo gacan iyo taageero aragtiyeed ka haysta Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad(Afgaani) oo markaas ahaa gacanta midig ee Axmed Godane.

Iyada oo arintu si xun u calowsan tahay ayaa Mukhtaar Roobow Cali; ku tallaabsaday arrin sii ka la dheereysay isaga iyo Axmed Godane; taas oo ahayd isku daygii Mukhtaar Roobow ee curinta isbaheysi dhexmara Isaga, Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad iyo kooxda loo yaqaan Muhaajiriinta, is xulufeysigii uu abaabulay waxa aad uga carooday hoggaanka sare ee Al-Shabaab oo si adag loo koobay, si Axmed Godane si sahlan ugu maamulo.

Dhaqdhaqaaqa Roobow; waxa si aad ah isha ugu hayey ragga ku dhowdhow Amiirka Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu Subayr (Axmed Godane).

Dabayaaqadii 2009 ayuu lagu arkay muuqaalada filim si fiican looga shaqeeyey oo ay ku wada jiraan isaga iyo Cumar Shafiiq Xammaami oo 12-September- 2013 geeriyooday, taas oo u muuqatay in Muqtaar Roobow; la sameynayo xiriir ka duwan kan uu la leeyahay xubnaha kale ee Xarakada, labadooduba weligood ma aanay qarin muuqaal kooda, taas oo u sahashay in ay dhexgalaan bulshada ku nool meelaha ay Xarakadu maamusho.

Isbaheysigii dhexmaray Roobow, Xammaami, Ibraahim Afghaan, Cabdixamiid Colhaye, Gaashaanle sare Xasan Daahir Aweys iyo xubno kale oo ka mid ah kooxda loo yaqaan muhaajiriinta, kuwaas oo qaarkood muujiyey welwelka ay ka qabaan noloshooda.

Waxa ay arrintu circa isku shareertay markii isbahaysiga Roobow uu xiriir la dibadda ah la sameeyey Dr Ayman Ad-dawaahiri, xiriirkaas ayaa si aad ah u gilgiley Axmed Godane iyo Kooxda ku hareereysan, waxa aad u sii cabsi geliyey hoggaan ka Al-Shabaab ka jawaabidda xaashidii uu baahiyey Amiirka Xarakadu Axmed Godane, taas oo dhiirigelin uu sameyneysay dhammaan dad ka doonaya in ay yimaadaan Soomaaliya si ay u caawiyaan Al-Shabaab, haddii ay rabaan ay ka heli karaan gabbaad; xaashidaas oo ku qornayd Afaf uu Sawaaxiligu kamid yahay ayaa ciwaankeedu ahaa “Kuwsoo dhowaada Soomaaliya; Dhibaato ma jirto” “KARIBU SOMALIA HAKUNA MATATA” waxa ka jawaabay Zubeyr Al-Muhaajir oo isna qoray farriin ciwaan keedu ahaa: “IKO MATATA” (Haa dhibaato ayaa jirta) waxa kale oo arinta sii murjiyey qoraal kii dheeraa ee ciwaan kiisu ahaa (النذير العريان أنا إنني) Qoraalkan oo ka koobnaa 15 bog, Ibraahim Xaaji Jaamac meecaad,(Afgaan) ayaa u diray Dr: Ayman Ad-dawaahiri; waxa uu si aad loo faahfaahiyey ugu sheegay in dhaqanka hoggaanka Xarakadu uu ka leexday jidkii saxda ahaa iyo sida uu sheegay jihaad kii xaqa ahaa, waxa uu sheegay in ay doonayaan faragelin degdeg ah, si aan Amiirku u qaadin tallaabooyin dhiig ku daato iyo si uusan u gummaadin kooxaha uu ugu ku magacaabay Muhaajiriin iyo Ansaar.

Markii uu arinku xarkaha goostay oo murankii faraha ka baxay, waxaa xigay gacan ka hadalkii koowaad ee Xarakada ka dhex dhaca, kaas oo Soomaalida oo dhammi ka dhego-qaadday, waa dil kii laba xubnood oo aad muhiim ugu ahaa Al -Shabaab oo kala ah Ibraahim Afghaan iyo Cabdixamiid Colhaye, magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa tacsida labadaas nin lagu qabtay, iyada oo qaraabadoodu aanay arag meydkooda.

waxaa jiray dadka mid ah Alshabaab oo ka yimid dibadda oo kuna jiray xabsiyo qarsoodi ah, oo ay si gaar ah u maamulaan Kooxda Amniyaadka oo berigaas hoos tegi Amiirka Al-Shabaab Abuu Subayr, lagana yaabo in uu madax ka ahaa Sakariye Ismaaciil Xersi; oo muddo ka hor isu dhiibay dowladda Soomaaliya.

Waxaa xigay baxsadkii Xasan Daahir Aweys; uu ku tegey Cadaado oo ka tirsan Galgaduud, waxaa xigay Mukhtaar Roobow, Cumar Xammaami iyo 3 kale oo Shisheeye ah oo iyana u cararay dhan ka gobol ka Bay, markii danbana waxaa la dilay Cumar Xammaami iyo laba ka mid ah raggii la joogay, halka mid kala na isdhiibay.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali; waxa uu uu huray Alshabaab wax walba oo uu awooday; waxa uu hoggaamiyey dagaallo badan oo sababay geerida iyo dhaawaaca dhallinyaro iyo dad waaweyn, balse si uu u nabada ah isugu dhiibay dowladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON