Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa khashifay dhaqaale ay beesha caalamka ugu talogashay fatahaadda inay xayiree wasiiro ka tirsan xukuumadda Xilgaarsiinta.
Kadib markii ay kasii dartay xaaladda fatahaadda ee magaalada Jowhar ayuu madaxweynihii hore e Hirshabeelle caddeeyay inay tahay wax laga xumaado in lacag maalaayiin Doolar ah oo ay ku deeqeen dalal kala duwan inay xayireen saddex wasaaradood oo xukuumadda ka mida.
“Waa nasiib darro in lacag ka badan 35 milyan oo doollar oo ay arrimaha Daadadka Webiga Shabelele oo kaliya ay ugu deeqeen Italy, Sweden, Midowga Yurubiyo Bankiga Adduunka waayo Dooxada Shabeelle oo keliya ay xayireen wasaaradaha Federaalka ee Maaliyadda, Qorshaynta, iyo Beeraha” ayuu farriintiisa ku yiri Mudane Maxamed Cabdi Waare oo ceeb iyo foolxumo ku tilmaamay arrinan.
Wasiirada arrintan ku eedeysan ayaa waxay kala yihiin: C/raxmaan Ducaale Beyle, Jamaal Xasan Maxamed iyo Saciid Xuseen Ciid, waxayna aad ugu dhow yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo.
Dowladda Federaalka ayaa hore loogu eedeyay inay xayirtay lacago deeqo ah oo loogu taloagalay fatahaadda magaalada Beledweyne, iyadoo mashruucii Talyaaniga ee magaaladaasina aanu weli bilaaban.
