Monday, June 23, 2025

Wabiga Shabeelle ma biyo yareyn ee waa guray markan [W/Q: Macalimuu]

Wabiga Shabeelle biyihii ayaa ka guray . Sanad walba xilligan oo kale marka la gaaro caadiyan waa uu biyo yareyn jiray wabiga oo waxaa la yiraahdaa Qoraxeed laakiin ma dhici jirin in sida dhacday sanadkan oo kale uu wabigii gebi ahaan wada guro. Odayaasha waxa ay sheegeen in bartamahii todobaatanaadka uu sidan oo kale mar noqday.
Gobolka Hiiraan meelo ka mid ah gaar ahaan tuulo la yiraahdo Booco oo ku beegan Garasyaani dhanka Bari dhanka Galbeedna Samatara waxaa la ii sheegay in wabiga ay ka gudbayaan gaadiid kala duwan oo ay ku jiraan baabuur xamuul ah .

webiga

Sh/dhexe iyo Sh/hoose oo dhul ahaan ka hooseeya gobolka Hiiraan waxa ay aheyd in ay biyhu ku soo horaan laakiin iyagii laftoodii ayaa biyihii ka dhamaadeen. Fiiri sawirka hoos ku lifaaqan waWebgaa wabiga magaalada Jowhar.

Ad

Gobollada Hiiraan,Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha hoose waxa dadka ku dhaqan ay u badan yihiin xoolo dhaqato iyo beeraleey ,waxa ay aad u isticmaalaan biyaha wabiga oo ay aad ugu tiirsan yihiin.
Ceelasha ku yaal miyiga fog waxaa la soo warinayaa in ay iyaguna biyo yareen oo xoolaha iyo dadkuba oo aroorku yahay saf dheer.
Dhamaadka bisha Abriil ayaa inta badan uu bilowdaa roobka xilliga guga ,waana ay dhacdaa in uu xilligaa ka soo hormaro ,markaa waxaa la qiyaasayaa hadii aan Allah raxmad kale keenin in ugu yaraan hal bil uu xaalku sii adkaanayo.

Dhibaatooyinka la fili karo mustaqbalka dhow hadii aan laga sii fekerin Eebe innaguma keenee waxaa ka mid ah meelaha hadda ay gawaaridu maryaan ee wabiga dhexdiisa oo goobaha qaar qarkii ama daantii wabiga la jabinayo waxa ay keenayaan fatahaad marka wabigu uu biyo keeno oo roobabku ay ka curtaan buuraleyda Itoobiya . Marka waxaa haboon in maamullada jira iyo guud ahaan dadweynuhuba ay iska eegaan meelaha qatartu ka iman karto ee fathaad ba’an dhalin karo . Waqti badan innagama xigo oo waa bil IWM.

Carro tuur ayaa lagu sameyn jiray wabiga xilligan oo kale si feejignaado fatahaad mustaqbalka sababtoo ah marka uu dhulku qoyo oo biyaha wabiga iyo xareedu kulmaan waa ay adag tahay in wax laga qabto.

- Advertisement -

W/Q: Moalimuu

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON