Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.
Wafdiga waxaa hogaaminayay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Cali Baashi, Taliyaha Ciidanka AMISOM Cusmaan Subagle, iyo Mas’uuliyiin kale.
Socdaalka wafdiga culus ee magaalada Cadaado ayaa lagu sheegay inay tahay sdii ay u dardar gelin lahaayeen doorashooyinka xubnaha labada Aqalka ee Gobollada Dhexe oo dhaceysa magaalada Cadaado.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu soo dooranayaa 44 Xildhibaan oo isugu jira labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana amaanka sugaya ciidamada AMISOM.
DAAWO SAWIRRO