Monday, August 25, 2025

Wafdi wasiiro ah oo Cadaado u tegay dedejinta shirka Cadaado (Qorshaha cusub ee dowladda)

Wafdi wasiiro ah iyo xubno kale oo la socda ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Cadaado oo shirkii maamul u sameynta Gobolada Dhexe caqabado badan soo wajaheen, kadib markii uu hore u socon waayay.

Wafdiga waxaa hogaaminayay Wasiirka Arimaha gudaha iyo Faderaalka C/raxmaan  Maxamed Xuseen  (Odawaa) waxaana ka mid ahaa  Wasiirka Qorsheynta  C/raxmaan Yuusuf Cali  iyo Madaxwaynaha maamulka Ximan iyo xeeb  C/laahi Cali Maxamed  Baarleeex oo dhowaanahan Muqdisho ku sugnaa martina u ahaa dowlada Federaalka.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Garoonka Cadaado waxaa wafdiga ku soo dhoweeyay madaxwayne Ku xigeenka  Ximan iyo Xeeb Md. Cabdi Maxamed Suldaan ( Cabdi kuus) iyo Gudoomiyaha Gobolka galgaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo), waxayna bilaabeen kulamo ay la qaadayaan dhinacyada shirka Cadaado iyo Guddiga farsamada ee dowladda Federaalka.

Wararka laga helayo Cadaado ayaa sheegaya wafdiga wasiirad dowladda ka socda uu halkaas u diray madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya inta aysan bishan dhammaan in shirkaasi lasoo gabagabeeyo, laguna dhismo maamul KMG ah oo gobolada dhexe ay yeeshaan.

Shirka Cadaado ayaa waxaa hareeyay caqabado ka timid guddi farsamo oo ay dhiseen xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo odayaasha dhaqanka qaarkood ee ku sugan shirka Cadaado, waxaana wasiiradan looga fadhiyaa inay xaliyaan is mari waaga ka taagan Cadaado.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON