Thursday, June 26, 2025

Wafdiga dowladda Soomaaliya ee Garowe oo diiday in heshiis cusub loo saxiixo Puntland

Wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya  ee uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday inay heshiis cusub oo ku saabsan maamulka loo dhisayo gobolada dhexe ee Soomaaliya la saxiixdaan maamul gobolkeeda Puntland kadib markii ay sidaasi ku adkeysteen guddigii dhinaca Puntland uga qeybgalayay shirka wada-tashiga maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka uga socday Garowe.

Shirka oo u daba dheeraaday dalabka Puntland ee ah inuu madaxweyne Xasan Sheekh u saxiixo in maamulka gobolada dhexe ka kooban yahay Koonfurta Mudug iyo Galgaduud ayay labada guddi ee wasiirada ku kala tageen. Puntland ayaa ku tuhmeysa madaxweyne Xasan Sheekh inuu meelo kaga duwan uga dhawaaqay maamulka gobolada dhexe inuu ka kooban yahay Mudug iyo Galgaduud sidaas darteedna ay u baahan tahay inuu saxiix ugu duugo dalabkooda.

madaxda_dalka2

[ad name=”HTML-1″]

Guddiga wasiirada ee dowladda Federaalka ayaa ku adkeystay inuusan jirin heshiis la saxiixayo isla markaana waxa la soo saaray ay noqon doonaan war-murtiyeed laguna qori doonin arrimaha quseeya maamulka gobolada dhexe taasoo keentay in howshii labada guddi soo afjaranto. Sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Puntland kulamadii guddiyada labada dhinac ayaa fashil ku dhamaaday.

Waxaa lagu wadaa maanta la filayaa in lasoo gabagabeeyo shirka Madaxda Soomaaliya uga socday Magaalada Garowe. waxaana la filayaa in war-murtiyeed laga  soo saaro shirka gebi ahaantiis ay Puntland ka weecisay ujeedkiisii, loona bedelay shir looga hadlayo sharcinimada iyo xuduudka maamulka loo sameynayo gobolla dhexe ee Soomaaliya oo cabsi weyn ka qabto Puntland.

 

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON