Wafdiga madaxweynaha Turkiga ee goor dhoweyd yimid magaalada Muqdisho ayaa la geeyay Xarunta Safaaradda cusub ee Turkiga ka dhisay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Turkiga waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaaraha Cumar C/rashiid iyo madaxda sare ee dowladda iyo xukuumadda, waxaana soo dhoweyn heer sare ah sidoo kale kusoo dhoweeyay dadweyne fara badan oo safnaa wadooyinka.
Safaarada Turkiga ee Muqdisho laga furayo maanta ayaa la sheegay inay tan ugu weyn ee dowladda Turkiga ku leedahay caalamka.
Goobjooge.com