Monday, June 23, 2025

Wafdigii dowladda ee Jigjiga tegay oo maxaabiis ka dejiyay magaalada Cadaado

Wafdigii dowladda Soomaaliya ee tegay magaalada Jigjiga ayaa maanta dib ugu laabtay  magaalada Cadaado kadib markii ay heshiis la soo saxiixdeen dowladda Itoobiya si loo joojiyo dagaaladii xuduudka labada dal ka dhacay, waxayna Cadaado ka dejiyeen shan kamida maxaabiis ay Liyu Bolis-ka Itoobiya qabsadeen oo dhaawac ahaa.

helicopter

Diyaarad Helikobar ah oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo ay la socdeen qaar kamida wafdigii uu hogaaminayay wasiiru dowlaha madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Cadaado, iyagoo kasoo kicitimay Jigjiga kuna hakaday Guriceel.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Weheliye Cirfo ayaa saxafiyiinta ugu sheegay in heshiis buuxda lagu gaaray Jigjiga, isla markaana odayaashii dhaqanka ee lasocday wafdigooda ay gaareen Guriceel si ay arrinta u sii wadaan.

Cirfo wuxuu si weyn u canbaareeyay weerarkii ay koox ka mida Ahlu Suna ku qabsatay Dhuusamareeb, wuxuuna sheegay in kooxdaasi aanay ahayn Ahlu Sunna ee ay tahay koox falaago ah, wax laga xumaadana ay  tahay inay duulaan ku qaadaan magaalo nab-doon oo dowladdu joogto.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON