Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaaho ayaa magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudiga.
Madaxweynaga iyo Wafdigiisa ayaa muddo ku sugnaa magaalada Jiddah oo ay saaka soo gaareen kadib markii ay soo cumreysteen.
Madaxweynaha waxaa garoonka Jiddah ee Boqor C/casiis kusoo sagootiyay Madaxa amniga u qaabilsan Gobolka Maka Almukarama Amiir Sacuud Ibnu C/llaahi iyo madaxa hab maamuuska Boqortooyada ee Gobolka Maka Almukarama Axmed Bin Daafir.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay dib ugu soo laabtaan Muqdisho oo laga sugayo inuu Baarlamaanka horgeeyo Ra’iisal wasaaraha uu magacaabay ee Xasan Cali Kheyre.
DAAWO SAWIRRADA
Goobjooge.com