Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal wasaaraha iyo xubno ka mida wafdigiisa oo lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha Nairobi

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in qaar ka mid ahaa wafdi la socday Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke lagu xayiray garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee Jommo Kenyatta muddo ka badan afar saacadood.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku sii jeeda dalk Turkiga, wuxuuna ku hakanayay magaalada Nairobi, laakiin markii ay damceen inay gudaha magaalada Nairobi u gudbaan ayaa la sheegay in ciidamada ammaanka garoonka ay ka reebeen Ra’iisal wasaaraha xubno la socday.

Sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan wafdiga Ra’iisal wasaaraha dadka garoonka Nairobi lagu xayiray waxaa ka mida xildhibaano, wasiiro iyo dad qaraabo la ah Ra’iisal wasaaraha oo fara badan, kuwaasoo watay baasaboorka diblomaasiga Soomaaliya, iyadoo laga qaaday baasabooradii oo dhan ilaa caawana ay ku xayiran yihiin garoonka.

Dadaal Ra’iisal wasaaruhu u galay in la sii daayo xubnahaasi la socday ayaa guuldareystay, isagoo saacado naf ahaantiisa ku xayirnaa garoonka, taasoo keentay in isaga iyo xubno ay ka mid yihiin safiirka Soomaliya ee Turkiga, Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo xubno kale ay Magaalada Nairobi u gudbaan, halka dadkii la socday looga reeebay baaritaan dheeraad ah oo lagu sameynayay

Dadka ka midka ahaa wafdigii Ra’iisal wasaaraha ee Garoonka Jomo Kenyatta lagu xayiray waxaa kamida xildhibaan C/llaaho Jaamac Kabaweyne iyo xubno ku dhow Ra’iisal wasaaraha. Xildhibaan Kabaweyne ayaa sheegay in waxa ku qabsaday garoonka Nairobi ay tahay ihaano loo geystay madaxdii qaranka Soomaaliya.

Wafdiyada madaxda Soomaalida waxaa inta badan raaca dad saaxiibo iyo qaraabo la ah madaxda sare oo la si sharci darro ah loo siiyo baasaboor diblomaasi ah, taasoo keenta in markiiba ay raacaan dad fara badan oo laga shakin karo. 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON