Sunday, July 6, 2025

Wakiilada Beesha Caalamka oo Cadaadis cusub saaray Guddoonka Baarlamaanka & Guddiga Doorashada

Wakiilada Beesha caalamka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo isugu jira, safiiro, wakiilo iyo ergey ka socota ururada goboleed iyo UN-ka ayaa Muqdisho ku sugan iyagoo shirar aan loo kala kicin u socdaan.

Shirarkan ayaa ka socda Madaxtooyada, siiba Villa Hargeysa, Xalane iyo xarumo kale, waxaana cadaadis weyn lagu hayaa guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga dib u eegist heshiiska Qaabka Doorashada.

Shirarkii Madaxda dowladda Federaalka iyo Guddiga Baarlamaanka ayaa la isku mari waayay, waxaana kadib ku soo biiray wakiilada Beesha Caalamka oo  ay ugu horeeyaan Wakiilka Mareykanka, Ergeyga Q/Midoobay iyo Midowga Afrika.

Wararka  laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxda dowladda Soomaaliya iyo Beesha caalamka ay cadaadiska ku sii kordhiyeen guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga dib u eegista heshiiska Qaabka Doorashada, inkastoo aanay wax miro ah ka soo bixin.

Waxaa laga hor istaagay Baarlamaanka in la hor geeyo Heshiiska ay wax ka bedeleen Guddiga Doorashada, iyadoo la isku dhex wado warar kala duwan oo ku saabsan in Baarlamaanka lagama maarmayo xilli xubnaha Golaha Amaanka ku soo fool leeyihiin magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON