Wakiilada Beesha Caalamka ayaa wada dhaqdhaqaaqii ugu danbeeyay ee ay doonayaan inay culeys ku saaraan madaxda dowladda Soomaaliya iyadoo kulan isugu keenay saddexda nin ee ugu sareeya dowladda waqtigeedii dhammaaday.
Wakiilada oo ay horkacayaan Wakiilka Q/Midoobay, kan Midowga Afrika, safiirka Ingiriiska, Safiirka Sweden iyo safiiro kale ayaa shalay xarunta madaxtooyada kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan.
Safiirada Ingiriiska ayaa bogeeda twitter soo dhigtay in qodobka kaliya ee ay kala hadleen madaxda Soomaalida uu ahaa arrinta Doorashada, wuxuuna qeyb ka ahaa kulamo is dabajoog ah oo wakiilada beesha caalamka u tageen magaalooyinka Kismaayo, Baydhaba iyo Muqdisho.
Wakiilka Q/Midoobay Micheal Keating ayaa iska sheegay inay madaxda Soomaalida kala hadleen arrinta doorashada ee gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay isku khilaafsan yihiin madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
Waxaa laga cabsi qabaa dib u dhac kale oo soo wajaha doorashada kadib markii maamulada dalka ka jira ay dib uga dhaceen inay soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Goobjooge.com