Thursday, July 3, 2025

Wakiilada Jaamacadda Carabta oo soo farageliyay Mooshinka Madaxweynaha (Kulamo ay la yeesheen dhinacyada)

Jaamacadda Carabta ayaa ku soo biirtay dalalka iyo ururada soo fara geliyay xiisada ka taagan mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha iyagoo kulamo kala gaara la yeeshay madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo xildhibaanada Mooshinka wada.

Jamacadda

Safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Muqdisho ayaa kulamo kala gaara la yeeshay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku tirtirsiiyeen inuu xal u raadiyo Mooshinka laga  keenay madaxweynaha, kana baaqsado in mooshinkaasi hore loo wado. Waxay kaloo ka kulmeen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kuwooda mooshinka wada oo ay kala hadleen inay ka noqdaan mooshinka si looga badbaado xiisad siyaasadeed.

Ugu danbeyn waxay wakiilada Jaamacadda Carabta u jooga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin; Safiirada dalalka Imaaraadka Carabta, Jabuuti, Suudaan Yemen, Qatar iyo kuwo kale ayaa la kulmay  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xarunta madaxtooyada ku qaabilay.

Dadaalka diblomaasiyadeed ee ay wadaan wakiilada Jaamacadda Carabta u jooga Soomaaliya waxaa hormuud u ah safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Al Cuthmaan iyo Wakiilka Jaamacadda Carabta u jooga Soomaaliya Maxamed Cabdalla. Lama oga halka ay ku biyo shuban doonaan dadaalada Jaamacadda Carabta oo si weyn uga horjeeda mooshinka Madaxweynaha, iyadoo ay sii kordheyso faragelinta ay xaaladda siyaasadda Soomaaliya ku hayaan dalalka iyo ururada caalamiga ah.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON