Saturday, June 28, 2025

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya oo farriin culus u diray madaxda dowladda Soomaaliya [Akhriso]

Urur goboleedka IGAD ayaa madaxda dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay wadahadal ku dhammeeyaan khilaafka kala dhaxeeya maamul goboleedyada dalka.

Maxamed Cali Guyo oo ah ergeyga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay wadahadal isugu yimaadaan, islamarkaana kala aragti duwanaanta u dhaxeysa ku dhameeyaan wadahadal.

Mr. Guyo ayaa sheegay in Hoggaanka sare ee dowladda Federaalka ah, iyo kuwa dowlad Goboleedyada in ay ka fakaraan shacabka soona afjaraan kala aragti duwanaanta dhinaca siyaasadda.

Ergeyga IGAD ayaa sheegay in waxyaabaha hoos u dhigay Soomaaliya ay qeyb weyn ka tahay Khilaafka ka dhex taagan dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyadda.

Maxamed Cali Guyo ergeyga gaarka ah ee IGAD ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Guddiga doorashada ee Puntland. Waxaa uu sidoo kale Mr Guyo u hambaleeyay madaxweynihii hore ee Puntland C/Wali Maxamed Cali

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON