Wednesday, June 25, 2025

DAAWO SAWIRRO: Walaalo is qarxiyay oo ka danbeeyay weeraradii Brussels & nin baxsaday

Warbaahinta dalka Beljamka ayaa baahisay in laba nin oo walaalo ah ay ka dambeeyeen qaraxyadii shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha iyo xarunta tareenada magaalada Brussels. Labadan nin ayaa la sheegay inay is miidaamiyeen iskuna qarxiyeen garoonka diyaaradaha.

Dhinaca kale Booliska dalka Beljam ayaa baadi goobaya nin la tuhunsan yahay inuu qeyb ka ahaa qaraxyadii  Talaadadii ka dhacay magaalada Brussels ee xarunta dalka Beljamka, isagoo la abaabulay labada nin ee is qarxiyay.

Labada nin ee walaalaha ah iyo ninkan ayaa sawiradood laga helay kaamerooyinka ammaanka ee ku rakibnaa garoonka caalamiga ah ee magaaladaasi ee ay qaraxyada ka dhaceen.

Saraakiisha dembi baarista dalka Belguim ayaa sheegay in walaalaha is qarxiyay oo sawiradood ay hoos ka muuqdaan lagu kala magacaabo Khaalid iyo Ibrahiim Albikri oo deganaa magaalada Brussels oo lala xiriirinayo weeraradii Paris.

Waxaa kaloo Booliska dalkaasi baadi goobayaan nin la sheegay inuu taksi ku keenay saddex ruux ee laba ka mida is qarxiyeen midka kalena uu baxsaday oo la baadi goobayo.

Walaalo is qarxiyay
WALAALAHA IS QARXIYAY

Qaraxyadii ka dhacay garoonka diyaaradaha iyo maxaddada tareenka ee dhulka hoostiisa ayaa waxaa ku dhintay 34 qof halka 250 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Booliska ayaa ugu baaqay dadkii qaraxyadaasi ku duubay moobeeladooda iyo kaameerooyinka in ay ka caawiyaan baaritaanka.

SAWIRKA NINKA BAXSADAKA AH EE LA BAADI GOOBAYO

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay gudaha magaalada, waxaana booliska ay gacanta ku soo dhigeen kiimiko, waxyaabaha qarxa iyo calanka kooxda khilaafada islaamka kaddib markii ay hawlgal ka fuliyeen xaafad ka mid ah magaaladaasi Brussels.

Ururka Daacish ee Khilaafada Islaamka ayaa sheegtay inuu ka danbeeyay qaraxyada ka dhacay Brussels, waxayna ku soo beegmayaan maalmo kadib markii Brussels lagu qabtay Saalax Cabdisalaam oo ahaa abaabulihii weeraradii  magaalada Paris ee dalka Faransiiska oo 130 ruux lagu dilay.

Walaalo-isku qarxiyay brussels
Bidix: Walaalaha is qarxiyay, Midig ninka la baadi goobayo

 

BELGIUM OO KU JIRTA BAROORDIIQ

Xaalada dalka Belgium ayaa kacsan iyadoo ciidamo fara badan ayaa la dhigay dhammaan goobaha muhiimka ah ee dalkaasi, waxaana socda baadigoobka ninka baxsadka ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON